Haldoor media

Haldoor media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Haldoor media, Horse Trainer, Toronto, ON.
(1)

Waxan ku falanqayn donaa page hormarka iyo haldoorka dalkeena mid yar iyo mid wayn insha allah adina waxaan kaa codsanaynaa inaad like sarto wixi wax tar ahna aad nala wadagto si aan ula sii wadagno dadka mahad sanid

10/24/2023
01/19/2023

Xanun weye saan

09/08/2022

Mobile-lada origanal ka ayuunba saan camal sameyn kara car wakaase fur xujadaan no copy😅
╱◥██████◣ 📡
│🫂│🖼️▤│▤▤│
▓▆▇█▓∩▓█▇▆▆

Car isku day inad sameysid adoon copy dhihin 🙄😁

07/31/2022

Nimcaan hilaac oo show ku qabtay Toronto canada

07/07/2022

Fartuun birimo oo show ku qabatay Toronto

Puntland iyo Somaliland ayaa ugu mushahar badan deegaannada Soomaalida.
06/30/2022

Puntland iyo Somaliland ayaa ugu mushahar badan deegaannada Soomaalida.

Kaaliyihii h**e ee Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Jabuuti ay kamid tahay dalalka aan doonayn Aqoonsiga Som...
06/30/2022

Kaaliyihii h**e ee Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Jabuuti ay kamid tahay dalalka aan doonayn Aqoonsiga Somaliland.

Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.

Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii h**e ka sii jeedday arrimaha Somaliland.

Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Somaliland.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado.

Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanaa in ay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.

Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Nigeriga ayaa qabtay aragti ay ku taageersanayd Somaliland.

Xigasho: BBC

06/07/2022

Noloshu Way Soconeysaaye Adiga Ha Istaagin!

Hadii aadan horay u arag hada akhri

Anigoo 18 jir ah 1998 ayaan furtay dukaan yar oo sandaqad degmada Xamarweyn. Sawirkaas hoos ka muuqdo. Sababta igu kalifeysayna waxeey eheed anigoo iskoolki nacay 1996/97 ku soo biiray nidaamka Waxbarasho in kasto labadii sano ee ii dhineed aan xoogsi ku bartay iyo magaaladi oo aysan jirin meel loo shaqo tago marki laga yimaaad bakhaar adeer leeyahay garab uga shaqeey iyo maqaayad qaraabada ah maqalka fariiso. Hadii aad labada weyso waxaaba adkeed in shaqo laguu dirsado. Aniga waxaan isku dayay in aan ganacsi abuurto laakin wax kale waa ii soo bixi waayeen aanan dukaan ka eheyn.

Marki aan ka soo gudbay caqabadihii lacagta aan wax ku bilaabi lahaa. Halka aan ka bilaabi lahaa iyo waxa aan bilaabi lahaa. Waxaa ii bilaawday caqabad kale oo suuqleeyda iiga imaaneysay. Ayagoo iga jeeb weyn iga dukaan weyn iga da’ weyn iga qibrad weynaa. Xamar waxaa lagu dukaameysan jiray yaa reer hebal ah. Aniga waa i muuqatay ciladaas. Waxaanse ku dhaafay demands iyo customer satisfaction taas oo macnaheedu yahay qofka kuu yomaad in uusan kaa waayin waxa u rabo iyo sida aad macaamiisha ula hadashay ama aad u qanciso. Waxaan soo dhigay dukaanka wax kaato oo la i weydiiyo. Intaas kaliya maahe waxaan xeerin jiray daruufaha dadka ku gadaaman ee noloshu biday.

Waxaa ku imaaneyso gabar rabto nus tumin sokor ah (62.5 grams) si ay cunug yaroo ka baahan shaah uga dhigto. Waxaa kuu imaanaayo oday cid usoo foof tagay oo ku soo sari waayay. Waxaa kuu imaanaayo nin ladnaan jiray oo ay ka jajab oo xabad sigaar ah raadinaayo. Waxaa ku imaanaayo gabar rabto in ay xaragooto laakin aanan heysan wax ay ku iibsato catar yar ama rooseeto. Waxaa kuu imaanaayo saaxiibkaa mid ah oo balwad isu dhiibay oo rabo in rubaca loo dhameestiro. Waxaa kuu imaanaayo xariif qadada u goysay oo wanaag kaa shinsanaayo.

Waxaas oo dhan adiga oo aanan wada eryin waxna wada siin in aad hadana maareyso ayaa la rabaa. Inleen waxa yar ww meesha ku yaal ma wada bixin kartide. Alle mahadiise rabi waa i haleelsiiyay.

Sanad marki aan joogay 1999 sandaqadi yareed waxaa la waayay meel la kala istaago. Suuqleeydi qaarkood ayaa igu kwcay oo xitaa isku dayay in ay meesha igu fulisaan. Qaarkood u arkaayay reer Shingaani kaliya in ay iga adeegtaan waxeey dukaan kale ka fureen suuqa meesha laga soo galo ee Shingaani xigto oo ay fariisiyeen oday qabiilka markaas Shingaani u badnaay ka soo jeedo. Laakin in ay wax ii kordhaan maahe wax igama naaqusin oo ayaga ayaaba qaarkood ku qasaaray. Xariifki dukaanka kale furay odaygi ayaa lacagti kala gooyay ana dukaankeygi wuxuu sii noqday jaam jaam dhalay.

Iska dhaaf wax kalee waxaan xasuustaa. Subax intaan banooni ku soo daahay in aan labo saac iyo daqiiqado imid. Waxaan soo dhinac maray gabar sandaqada hortaagan oo sii jeedo marki aan gudbay oo aan sii galaayay maqaayad iga soo horjeeday oo ku taal masaajidka Marwaas hoostiisa ayey ii yeertay codkeeda waa maqlay laakin gaajo waalan ayaa heysay maadaama aan garbosiriq ahaa. (Garba siriq waa da’da 16 jirka ilaa 21 jirka ma dhargaan mana cayilaan) maqaayadii aan 10 daqiiqo ku jiray kadib ayaan ka soo baxay gabadhi oo meesha taagan ayaan u imid. Marki aan dukaanka furaayay ayey igu tiri mashaqeeste labo saac iyo bar maa dukaan la furaa. Niyada waxaan iska lahaa qofta ma deen bay rabtaa se marki aan dukaanka furay ayey iga iibsatay rubac sokor ah.

Waxaan kula kaftanay “sokor bes maa rabtay oo intaas u taagneed maxaad kuwaan uga gadan weysay” ayadoo wajiga kaduudeyso ay igu tiri. “Maxaa in aan adiga ku rabo maa u maleysay? Meel kale maxaan uga gadanaa sow istaqyaar ma lihi?” Maalintaas ayaa iigu h**eysay gabadhaas inkasto marki aan is baranay ay ii sheegtay in ay customer ii eheed. Sababta ay iiga adeegatana ay tahay nin suuqleey ah in ay mar ka weysay wax ay rabto kadibna uu ku yiri. “Wiilkaas wax haka gadan ee kuwa kale ka gado” maalintaas wixii ka dambeeyayna ay customer ii noqotay

2009 gabar Yurub joogto oo Facebook iga soo raacday oo inta i wareysatay meesha aan joogo nambar iga qoratay ayaa $500 oo doolar ii soo dirtay. Marki aan weydiiyayna waxeey ii sheegtay in aan mar gasac yaroo caano ah siiyay ayadoo ilmo ka baahan yihiin.

Hada Xamarweyne marki aan tago waan soo wada salaamaa suuqleeydi intii ka hartay

Qoraalkaan waxaan uga goleeyahay labo arimood kaliya

1: Dhalinyrada in aysan niyad jabin oo shaqooyinka lagu dhibo iyo horuumarkooda la isku dayo in la shaqeeyo u noqoto shidaal ay ku karaar qaataan oo dadaalkooda iyo naxariistooda ha sii laba jibaaraan

2:waxaan aaminsanahay qofka Soomaaliga ah in uu dadka kaloo dhan iiga sokeeyo ayagana ii kala sokeyn. Hadana waxaan sii aaminsanahay Soomaalida Alle ka sokoow in aan aniga masuul ka ahay. Xitaa adiga qoraalkaan akhrinaayo anaa masuul kaa ah lol

Waxaa Qoray Bisle Xasan

06/03/2022
04/24/2022
12/21/2021

Fuaad cumar sidii dahab lumay ku day dayey

12/21/2021

Nafku jecel adanyada aroos muqdisho ka dhacay oo kala kacsan

12/21/2021

Aroos aad u shidan oo galkacyo ka dhacay waligaa dhiil ma furtay adigu

12/21/2021

Xafladii maryan axmed day iyo fanan dayax fal nuurshe

11/15/2021

Ina ragow gandha sida halo dhamo

11/15/2021

Madax wayne xasan shiikh iyo qabyaalad maxaa kala qabsaday

11/15/2021

Mamo malyuun oo nag dadan danda satsy maxaa ka racay

Hadal wax badan iga bexeen
06/30/2021

Hadal wax badan iga bexeen

06/19/2021

Kabtan baara oo jalanji aan cadi aheen szbki la sameyay daawasho wacan

06/18/2021

Kabtan baraa iyo sxbki oo tartan adag galay dawasho wacan

Address

Toronto, ON
M9R1T2

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haldoor media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category



You may also like